Labada aqal ee BJFS oo maanta yeelanaya kal-fadhiyo gooni-gooni ah.

Published: May 4, 2022

Xilshibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow si kala gooni ah u yeelanaya kal-fadhi ajandihiisu yahay doorashada iyo ansixinta guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in la dhawaan la qabto.

See the source image

Farriimo loo kala diray xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarda Aqalka Sare ayaa lagu wargeliyay in maanta oo Arbaco ah la dooran doono guddiyo isku dhaf ah oo ka kooban labada aqal.

Kulankaan ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu si rasmi ah u furmo, isla markaana waxaa shir Guddoomin doona Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo garab fadhinayaan ku-xigeenadiisa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in ay si deg deg ah ku qaban doonaan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *