Khilaaf ka taagan doorashada Somaliland & Xisbiyada mucaaradka oo ka hadlay

Published: May 25, 2022
May be an image of 5 people and people standing

Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxaa ka dhacay kulan u dhaxeeyay Madaxweyne Muuse Biixi oo wakiil ka ah Xisbiga Talada haya ee Kulmiye iyo xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo UCID balse kusoo dhammaaday natiijo la’aan.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aanta kadib muran la xiriira Doorashada oo soo kala dhexgalay labadaan Xisbi oo dhinac ah iyo Kulmiye oo talada haya.

May be an image of 5 people and people standing

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa warbaahinta u faah-faahiyay qodobada gaarka ah ay isku qabteen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi isaga oo tilmaamay in aanay jirin qodob ay isku fahmeen madaxweynaha.

“Ajandaha aan ula tagnay waxa uu ahaa arrinta Doorashada ee la isku maan-dhaafsanaa in Madaxweynuhu uu ka daayo carqaladda, In uu faraha kala baxo Komishinka Doorashada oo ah mid madaxbannaan, in la isla waafaqo xiliga doorashada oo ah 13ka November in la isku waafaqo jadwalka balse mugdi ayuu geliyay, waxba islama garan” ayuu yiri Guddoomiye Xirsi.

May be an image of 5 people and people standing

Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa dhankiisa sheegay in 5 qodob ay la hortageen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay wehliyeen xubno katirsan Xisbigiisa kulmiye balse rejo beel ay kala noqdeen.

“Caawa Madaxweynaha aan arkay diyaar uma aha in uu qabto Doorasho, waxa aan ula tagnay in doorashadu dhacdo 13ka November oo ah waqtiga lagu ballamay, 5 qodob oo muhiim u ah doorashada, Madaxweynuhu waxa aan ula tagnay in aan la faragelin guddiga komishinka, nasiib darro waxa aan u tagnay Madaxweyne Careysan oo u muuqda in aan dulminay oo wax badan naga tirsanaya, kama muuqan in la is riix-riixo oo tanaasul ka muuqda sida aan ku qaban jirnay Doorashada” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Doodda ka taagan Doorashada Madaxweynaha Somaliland waa mid muddo ka dhex taagan saddexda Xisbi ee kala ah Kulmiye oo talada haya, Waddani iyo UCID oo mucaaradka ah waxaana marar kala duwan la sameeyay dhexdhexaadin la isugu soo dhaweynayo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *