4 Qof oo Ku Dhintay Banaanbaxyo Waaweyn oo Ka Socda Wadanka Ciraaq

Published: November 21, 2019

Ugu yaraan 4 qof ayaa ku geeriyooday, 48 qof oo kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray ka dib markii ciidamada ammaanka ay rasaas nool nool iyo gaaska dadka ilmaysiiyo ay u adeegsadeen dibad- baxayaal caraysan oo isugu soo baxay labo buundo oo ku yaal Magaalada Baqdaad

Booliisku waxay sheegeen in 1 qof uu ku dhintay iska-horimaad ka dhacay buundada Sinak ee Magaaladda Baqdaad hase yeeshee Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in dhaawacyad la keenay cusbitaalada ay ku soo dhacday rasaas.

Banaanbaxayaasha ayaa qabsaday Saddex buundo oo muhiim ah oo ku yaal Caasimadda baqdaad, kuwasoo kala ah Sinak and Ahrar iyo Jumurhiya . Buundooyinka ayaa ku dhamaada aaga cagaaran ee bartamaha Baqdaad oo ay degan yihiin inta badan gollaha xukuumadda Ciraaq.

Ilaa 300 qof ayaa dhintay tan iyo markii ay bilaabeen banaanbaxyadu. Shacabka ayaa ka cabanaya faqri baahay, Musuqmaasuq, shaqo la’aan iyo faragalinta dowladda Iiran ay ku hayso arrimaha Ciraaq, sidoo kale waxay doonayaan in xukuumadu ay iscasisho.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *