5 kalluumeysato ah oo ku geeriyooday xeeebaha magaalada Kismaayo

Published: August 18, 2021

Shan ruux oo kalluumeysto ah ayaa ku geeriyooday xeebaha magaalada Kismaayo kadib markii ay u kalluumeysi tageen badda xilli ay kacsanayd.

Wasiirka Kalluumeysiga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa xaqiijiyay geerida shantan Ruux waxaana uu sheegay in ay ahaayen kalluumeysato deegaanka ah oo doonayay in ay badda kasoo jalaabtaan hase ahaatee dabeylo xooggan ay ku dhuftern doonyahii ay ku kalluumeysanayeen.

Wasiirka ayaa xusay in wxii loo gaaro bisha September aan badda laga kalluumeysan karin maadama ay aad u kacsan tahay cidii lagu arkana ay talaabo ka qaadi doonaan.

Kalluumeysatada Jubaland ayuu ugu baaqay in aysan u shaqo tagin badda inta lagu guda jiro xiliyada bad xiran ee ay adag tahay in loo kalluumeysi tago.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *