5 qodob oo kasoo baxay Shirka Banbaxa (Retreat) Daneeyayaasha Doorashooyinka Puntland

Published: October 19, 2024

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, Ayaa maanta Degmada Qardho ee gobolka Karkaar ku soo xiray shirka ๐๐š๐ง๐›๐š๐ฑ๐š(๐‘๐ž๐ญ๐ซ๐ž๐š๐ญ) ๐ƒ๐š๐ง๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐ oo muddo Shan beri ah u socday Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo daneeyayaasha Doorashooyinka qof iyo codka ah Puntland.

Intii shirku socday waxaa shirka lagu lafa guray casharadii laga bartay doorashooyinkii golayaasha degaanka iyo qaabaynta Doorashooyinka mustaqbalka.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay Dhamaan Daneeyayaasha Doorashooyinka oo kala ahaa Masuuliyiin ka socday Xisbiyada Siyaasadda, Madaxda iyo hawl-wadeenada Ururada Bulshada aan Dawliga ahayn, Bahda Warbaahinta, Wasiirka, Agaaimaha Guud iyo Hawlwadeenada Wasaaradda Arimaha Gudaha, Guddoonka, Xubnaha Guddiga iyo Hawlwadeenada Guddiga Doorashooyinka iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland, Xildhibaano iyo Hawlwadeenada Baarlamaanka DPL iyo qaar kamida Saaxiibada maalgeliya Barnaamijyada Dimuqraadiyadda Puntland.

Shirka oo ahaa mid aad u mihiim ah qodobada kasoo baxay waxa kamid ah:-

1. In lasii xoojiyo qabashada shirarka noocaan oo kale ah.

2. In dhamaan Daneeyayaasha Dimuqraadiyaddu ay muhiim utahay in laga wada qaybqaato horumarinta iyo hagaajinta Doorashooyinka Puntland.

3. In xalka Caqabadihii jiray laga wada qaybqaato.

4. In xilli hore la bilaabo Barnaamijyada Doorashooyinka oo ay ugu muhiimsantahay dhamaystirka Xeerarka iyo Wacyigelinta Bulshada.

5. In wakhtiga Doorashooyinka Xilli hore la jaangooyo.

Xiritaankii Shirka Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland Mudane Ahmed Mohamoud Omar, ayaa dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka uga mahadceliyay kasoo qaybgalkooda shirkan muhiimka u ah Dimoqraadiyadda Puntland iyo ambaqaadka mustaqbalka Doorashooyinka qof iyo codka ah ee Dowladda Puntland.

Horseed Media