54 dal oo ka dalbadey Donald Trump in uu raaligelin bixiyo hadalkii cunsurimimada ahaa

Published: January 13, 2018

Midowga Afrika ayaa dalbadey in Donald Trump uu la noqdo eraygii foosha xumaa ee uu ugu yeeray dalal Afrikaan ah iyo kuwo ku yaala Bartamaha Ameerika ee ah in ay yihiin “shithole” Musqul. Midowga Afrika ayaa metalaya 54 dal.

Midowga ayaa ku tilmaamey hadalka Trump “Wax aad looga xanaaqo”, Dalalka Afrika ayaa ku xujeeyey Madaxweynaha Maraykanka in uu dib ula noqdo hadalkiisi raaligelina bixiyo.

Kadib shir aan caadi ahayn oo safiirada dalalka Afrikaanku isugu yimaadeen Qaramada Midoobey ayey sheegeen “waxaan ka welwelsan nahay isbedelka sii kordhaya ee ka socda maamulka Mareykanka ee ka dhanka ah Afrika iyo dadka Afrikaanka asal ahaan ka soo jeeda, qaarada iyo dadka midabka leh.”

Warka ka soo baxay 54 dal ee Midowga Afrika ayaa lagu yiri;

“Waxaan dooneynaa inaan muujinno caradayada iyo niyad-xumada ku jirta hadalada nasiib darrada ah ee Donald Trump”

Donald Trump ayaa gees walba canbaareyn uga timid, isaga oo isu diyaarinaya in uu khudbad ka jeediyey maalinta Isniinta xuska ninkii u dagaalamey xuquuqda dadka madow ee MLK. Trump ayaa gebi ahaanba dafirey hadalka uu ku tuuray dadka magangelyada kumeelgaarka ah ku jooga maraykanka ee ka yimid ilaa 9 dal kuwaas oo uu ku tilnmaamey in ay yihiin musqul.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *