Kulan balaaran oo hirgelinta Dastuurka ku aadan ayaa Garoowe ka dhacay [Codad+Sawiro]

Published: February 9, 2012

Kulan ku aadan hirgelinta Dastuurka cusub ee Puntland ayaa maanta ka dhacay xarunta hay`adda cilmi baarista Puntland PDRC ee magaalada Garoowe.

Kulankan ayaa waxaa isugu yimid madaxda wasaaradda arimaha gudaha, guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, duqeyda degmooyinka, iyo gudoomiyeyaasha 8-da gobol ee Puntland.

Ugu horeyn waxaa kulankaas furay kana warbixiyey ujeedooyinkiisa gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Prof Maxamed Xasan Barre, wuxuuna sheegay ina kulankani uu yahay mid looga gol leeyahay sidii dhamaan bulshada Puntland loogu samey lahaa wacyi gelin ku aadan hanaanka ay Puntland u hayaamayso ee doorashooyinka iyo axsaabta badan.

Wasiiru dowlaha Dastuurka iyo arimaha Federaalka ee Puntland Dr Cabdi Xasan Jimcaale oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in Dastuurka cusub ee Puntland uu yahay mid ka turjumaya aragtida shacabka islamarkaana waafaqsan shareecada Islaamka, sidoo kale wasiirku wuxuu ka jawaabey su`aalo Dastuurka ku saabsan oo la weydiiyey.

Gudoomiyaha hay`adda cilmi baarista Puntland ee PDRC Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke ayaa isna si gaar ah ugula dardaarmay gudoomiyeyaasha gobolada inay kasoo baxaan kaalintooda ku aadan sidii bulshada loogu wacyi gelin lahaa loona fahan siin lahaa ku dhaqanka Dastuurka iyo hanaanka doorashooyinka ee xisbiyada badan..

Wasiirka arimaha gudaha, dowladaha hoose, iyo horumarinta reer miyiga ee Puntland Cabdilaahi Jaamac Ilka-jiir oo isna kamid haaa mas`uuliyiintii ka hadlay kulankii maanta ka dhacay xarunta hay`adda cilmi baarista Puntland ee PDRC ayaa sheegay in kulankan ay isugu yimaadeen madaxda gobolada iyo degmooyinka Puntland uu yahay mid muhiim u ah hirgelinta Dastuurka iyo howsha guddiga doorashooyiinka labadaba.

Dhegeyso codka wasiirka arimaha gudaha

Kulankan ayaa imaanaya kadib markii shalay isla xarunta hay`adda cilmi baarista Puntland ee Garoowe lagu daah furay Dastuurka Puntland, waxayna arintani qayb ka tahay barnaamijyo taxane ah oo la doonayo in Puntland looga raro nidaamka doorasho ee beelaha ku salaysan looguna raro doorashooyinka xorta ah iyo xisbiyada badan.

Maxamed Siciid Yuusuf

Horseed Media

Garoowe