71 Xildhibaan oo ka horyimid wax ka bedelka Dastuurka Soomaaliya

Published: March 18, 2024

In ka badan toddobaatan xildhibaan oo ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo Muqdisho ku yeeshay shir ayaa sheegay in ay si adag uga soo horjeedaan wax ka badelka dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya oo dooddiisu socoto.

Xildhibaanada oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dastuurka laga bedelay 45 qodob, laguna soo kordhiyey 19 qodob oo aan ku jirin asalkii dastuurka, taasi oo ku sababeeyeen in la doonayo dastuur cusub ee aan la rabin waxkabedel, guddoonka baarlamaanka ayey ku eedeeyeen in uu ku guuldaraystay ilaalinta kala madaxbanaanida hay’adaha dowladda, waxayna baaq u direen madaxweynaha dowladda federaalka.

Go’aankii heshiiska golaha wadatashiga qaran ee May/2023 ayey sheegeen inaan loo dhamayn go’aankaasi, maadaama Puntland ay maqanayd, loona baahan yahay go’aanka goluhu inuu noqdo wadar-ogol.

Khilaafka dastuurka ayaa muddadan si weyn kor ugu sii kacay kaasoo hadda doodiisu taalo baarlamaanka, waxaana kasoo horjeestay siyaasiyiin ay horkacayaan madaxweynayaashii hore ee dalka, Shariif Shiikh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Horseed Media