Murran weli ka taagan Doodii Telefishinka ee Murashaxiinta Madaxweyne – VIDEO

1 February, 2017

Waxaa weli la xalin murran ka dhashay doodii Murashaxiinta Madaxweynaha ee maalinimadii shalay la baajiyey. Dooda…

Waxaa weli la xalin murran ka dhashay doodii Murashaxiinta Madaxweynaha ee maalinimadii shalay la baajiyey.

Dooda ayaa u baaqatay sadex arrimood oo kala ahaa, in murashaxiinta ku qanci waayeen;

1- In Telefishinka dowlada SNTV oo kaliya uu noqdo mid ka baahiya dooda.
2- In dooda aan si toos ah (Live) loo siideyn
3- In Guddiga Doorashada uu gebi ahaan baajiyey doodaasi.

Murashaxiinta intooda badan ayaa isu diyaariyey inay dooda ka qeyb galaan, marka laga reebo Madaxweyne Xassan Shiikh oo isagu u dhoofay dalka Itoobiya.

Waxayna murashaxiinta weli codsanayaan in dooda la qabto intaan doorashada la gaarin iyadoo loo fasaxayo dhamaan warbaahinta inay si toos ah u baahiyaan, waxayna sheegeen in guddiga uusan joojin karin qodob ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *