USA: Maxkamada Racfaanka oo Ka hortimid Xukuumada Trump – VIDEO

Published: February 10, 2017

Guulweyn ayey u tahay dadka kasoo jeeda 7da wadan Muslimiinta ee uu xayiraada saaray Donald Trump kadib markii Maxkamada Racfaanka ay diiday codsigii Xukuumada Trump oo dooneysa in dib loo dhaqan geliyo wareegtadii xayiraadada lagu saaray socdaalka Muslimiinta 7 wadan oo ay Soomaaliya ku jirto.

Jimcihii lasoo dhaafay ayuu Garsoore heer Federaal ah laalay wareegtadii Trump ee xayiraada lagu saaray 7da wadan ee Soomaaliya, Siiriya, Ciraaq, Yemen, Sudan, Liibiya iyo IRAN. Xukuumada Trump ayaa go`aankaasi racfaan ka qaadatay.

Sadexda Garsoore ee Maxkamada Racfaanka gobalka California oo dacwada la horgeeyey Salaasadii ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhageystay dooda labada dhinac oo kala ahaa Xukuumada Trump iyo dowlada Gobaleedyada Washington State iyo Minnesota oo u doodeyay dadka xayiraada la saaray.

Maxkamada Racfaanka ayaa xalay ku dhawaaqday go`aankeeda iyadoo taageertay go`aankii horey uga soo baxay Maxkamada gobalka Washington State ee lagu laalay wareegtadii Madaxweynaha, xukunkan ayaa dhabar jab weyn ku ah Xukuumada Trump oo dooneysay in si deg degleh markale loo dhaqan geliyo xayiraadaasi la saaray Muslimiinta.

Soomaalida Maraykanka ayaa si weyn usoo dhaweeyey go`aankan, waxaana jira Soomaali badan oo horey u sugayey in loo qaado Maraykanka oo ay caqabad ku noqotay xayiraada Trump kuwaasi oo hada wakhti dheeraad ah u helay inay ku yimaadaan dalka Maraykanka.

Xukuumada ayaa sheegtay inay dacwadan sii wadi doonto illaa xayiraadan laga dhaqan geliyo, balse waxa u furan ayaa ah inay u gudbiso dacwada Maxkamada Sare, halkaasi oo ay hada fadhiyaan 8 Garsoore oo kaliya, waxayna u baahan yihiin in ay helaan codka 5 Garsoore, hase yeeshee Garsoorayaasha Maxkamada sare ayaa hada u kala qeybsan 4 iyo 4.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *