Gudiga Gurmadka Abaaraha Puntland oo deeq biyo ah gaarsiiyay dadkii isugu soo guuray gobolka Bari. (Muuqal)

Published: February 20, 2017

Gudiga gurmadka abaaraha Puntland iyo Maamulka gobolka Bari oo mudo 4 maalmood ah ku howlanaa sidii biyo dhaamin loogu samayn lahaa dadka reer miiga ah ee ku dhibaataysan deegaanadii ay roobabku ka da`een ee la isugu guuray kuwaaso ka tirsan degmada Iskushuban iyo deegano kale oo ka tirsan gobolka bari.

Gudiga iyo maamulka ayana biyaha gacantooda ugu dhaaminayay qar kamid ah dadka reer miga ah halka kuwa kalena loogu wareejinayay si ay u dhaansadan waxana maamulka iyo gudiga ay ku dadalayeen sidii loo heli lahaa dhamaan inta biyaha isla cabta si si wadajir ah lacagtooda loogu wareejiyo.

Shu Fuaad maxamuud xaaji nuur gudoomiyaha gudiga iyo sh. Maxamuud xaaji Yuusuf oo mudo 2 asbuuc ah biyo dhamintan ka waday gobolada Bari iyo Karakar ayana saxafada la hadlay markii aysoo gabagabeeyeen biyo dhanka gobolka bari waxayna xuseen dhamaan deeganada ay biyaha ka qaybiyeen kuwaso kala ah:

Soonaha Iskushuban 24 booyadood

Xiriiro 50 booyadood

Mareer 40 booyadood

Biyo gaduud 5 booyadood

Xumbabays 30 booyadood

Xabaala Cad 15 booyadood

Garan 12 booyadood

Camaan 20 booyadood

Jeedaal 30 booyadood

 

Wadarta biyaha laga qaybiyay deeganadaasi la`isugu guuray ee gobolka Bari ayaana ah 226 booyadood oo biyo ah booyad walbana ay ku qiimaysan tahay $100

Gudomiye kuxigeenka gobolka bari Ciro bun cun oo isna gudiga ku wehliyay biyo dhaamintan ayaa umahadceliyay dhaman dadki la baxay lacagtan loogu gurmanayay dadkan dhibataysan wuxuna alle uga baryay inuu miisaanka aakhiro ku anfaco.

Muqaalka Daawo

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *