Mudane Maxamad Cabdullaahi farmaajo madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku qaabilay xafiiskiisa safiirka dowladda…
Mudane Maxamad Cabdullaahi farmaajo madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku qaabilay xafiiskiisa safiirka dowladda Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Safiirka Jarmalka u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Jutta Frasch ayaa ka wada hadlay sidii dib loogu soo nooleyn lahaa xiriirkii labada dal, madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Fedraalku ay diyaar u tahay wax wada qabsiga iyo iskaashiga ballaaran ee u dhaxeeyey Jermalka iyo Soomaaliya.
Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale kala hadlay Ambassador Jutta Frasch abaaraha dalka ka jira iyo sida ay muhiim u tahay in dowladda Jarmalka gacan ka geysato gurmadka dadka.
Ambassador Jutta Frasch ayaa dhankeeda sheegtay in ay dib u soo nooleyn doonto dowladda Jarmalka mashaariicdii ay horey uga fulin jirtay Soomaaliya.
Horseed Media 2017