Madaxweynaha Puntland Oo La Kulmay Ururada Dhalinyarada-Sawiro

24 March, 2017

Iyadoo maalintii shalay magaaladda Garoowe lagu soo gabagababeeyay shirweynihii dhalinyaradda Puntland ayaa Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli…

Iyadoo maalintii shalay magaaladda Garoowe lagu soo gabagababeeyay shirweynihii dhalinyaradda Puntland ayaa Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuuxalay fiidkii xaruntaMadaxtooyada Garoowe kula kulmay dhalinyaro matalayasay ururadda dhalinyarada Puntland iyo Maamul goboleedyada kale ee Dalka.

Kulankan oo uu madaxweynaha ku wehilinaayey Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Puntland , Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntlandayaa madaxweynuhu wuxuu ku soodhoweyey Madaxtooyada Garoowe dhalinta ka socotey gobolada Puntland iyo maamul goboleeyada DFS, waxaana uu madaxweynuhu dhalinta ka daadejiyey muhiimadda ay leedahay isdhexgalka iyo wadashayqayta dhalinta Soomaaliyeed, isagoona tilmaamay in uu gogol xaadh u yahay kulankoodu soo celinta qaranimo Soomaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Guulweyn ku timaamay in ay Dawladda Puntland Martigeliso Shirweynaha Dhalinta Soomaaliyeed hormuudna unoqoto bilawga isdhexgalka dhalinyarada, waxaana uu mahad balaadhan u soo jeediyey Wasaarada Shaqada Iyo shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dawladda Puntland oo suura gelisay qabsoomida Shirkaasi.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa ku dheeraday waxqabadkii iyo wax tarkii dawladii dhexe ee Soomaliya, isagoona sheegay inay ahayd mid dhaxal wanaagsan oo lagu dayan karo uga tagtay ummaada Soomaliyeed, isla mar ahaantaana waxaa uu dhalinta ku booriyey inay u istaagan sidii ay uga shaqayn lahayeen isusoo dhoweynta shacabka Soomaliyeed ee walaalaha ah ugana hawl geli lahaayeen horumarkooda.

Gabagabadii,Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa bogaadiyey cid walba oo gacan ka gaysatay hirgelinta shirka dhalinyarada Soomaliyeed ee ka qabsoomay magaalada Garoowe, waxaana uu Illaahay uga baryey inuu u rumeeyo dhalinyarada hiigsigooda, hidisahooda, hamigooda iyo hanashada dib usoo celin qaranimo Soomaaliyeed.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *