Barlamaanka oo Codka Kalsoonida Siiyay Xukuumadda Ra’isul Wasaare Khayre.

Published: March 29, 2017

Gollaha wasiiradda cusub ee xukuumadda Ra’isul Wasaare Xasan Cali khayre oo maanta la horgeeyay Barlamaanka federaalka ayaa heshay codka kalsoonida, ka dib markii barlamaanka ay cod aqbaliyad ah ku ansixiyeen.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee barlamaanka Sheekh Ibraahim Muudeey oo shir guddominayay Kullanka barlamaanka maanta ayaa sheegay in 224 xildhibaanay kalsoonida siiyeen xukuumadda si guud, halka 15 xildibaana ay ka soo horjeesteen, 2 xildhibaan ay ka aamuseen, iyadoo tiradda guud ee xildhibaanada soo xaadirtayna ay ahaayeen 241.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta barlamaanka hortegay, ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay ka hor ansixinta gollihiisa wasiiradda, wuxuu ka codsaday xubnaha barlamaanka inaytixgeliyaan duruufaha dalka ka jira, oo aygutaan waajibaadka dastuurkiga ee saaraan, wuxuuna ka codsaday in codka kalsoonida siiyaan gollihiisa Wasiiradda, taasi oo ay ka aqbaleen.

wuxuu xildhibaanadda uga mahadceliyay sida codka kalsoonida ah ay usiiyeen barnaamijka Xukuumadda ee afarta sano iyo golaha Wasiirada cusub, waxaana uu u balan qaaday in uu jiri doono isla xisaabtan.

Gabagabaadii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa isla goobta kudhaariyay Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *