Labada Kuuriya oo lagu wado inuu u furmo wadahadal toos ah

Published: January 2, 2018

Dowlada Kuuriyada Koonfureed ayaa soo dhaweysay hadalkii kasoo yeeray hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un oo khudbadiisii sanadka cusub ku sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal uu la galo Koonfurta.

Kim Jong Un ayaa khudbadiisii Isniintii shalay ku sheegay in uu ahmiyad gaar ah siin doono wadahadalka labada dal isagoo sheegay in loo baahan yahay shacabka Kuuriya ay xal arrintan ka gaaraan.

Kuuriyada Koonfureed ayaa soo dhaweysay wadahadalka uu ku baaqay Kim Jong Un, wasaarada arrimaha dibada ayaa sheegtay inay dhankooda mar walba diyaar u ahaayeen wadahadalka. Waxayna ku baaqeen in kulanka ugu horeeya uu dhaco Salaasada, todobaadka soo socda.

Macada isbedalka ku yimid Kim Jong Un oo horey ugu horyimid wadahadalada, balse sanadkii tagay ayaa xiisada u dhaxeysa labada dal ay gaartay heerkii ugu sareeyey, kuuriyada waqooyi ayaa sanadkii lasoo dhaafay tijaabisay gantaaladoodii ugu badnaa iyo bambaanadoodii lixaad ee nukliyeerka.

Khubarada siyaasada ayaa tuhunsan in Kim Jong un baaqiisa uu yahay siyaasada cusub oo uu doonayo inuu wakhti dheeraad ah ku helo intuu ka dhameystirayo barnaamijkiisa hubka nukliyeerka.

Khudbadii shalay ayuu Kim Jong-un markale ku sheegay in uu adeegsan doono hubkiisa nukliyeerka hadii ay Maraykanka soo weeraraan, wuxuuna ku goodiyey inuu hada awood u leeyahay in gantaaladiisa gaaraan dhamaan magaalooyinka waaweyn ee dhulka Maraykanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *