Sacuudiga: $100 bilyan oo amiirada laga qaaday & Sharuuc cusub ee shaqada

Published: January 31, 2018

Dowlada Sacuudiga ayaa xabsiga kasii deysay Amiiradii tujaarta ahaa ee la xiray labo bil kahor iyadoo la sheegay in dowlada ay dib usoo ceshatay lacag ka badan 100 bilyan oo dollar oo lagala wareegay Amiirada iyo maalqabeenada la xiray.

Lacagta iyo hantida dowlada la wareegtay ayaa isugu jira shirkado, dhulal iyo waliba lacag cadaan ah oo laga qaaday amiiradan sida uu sheegay Xeer illaaliyaha guud ee Sacuudiga Salaasadii shalay.

Hawlgalkan oo loogu magac daray la dagaalanka Musuq maasuqa ayaa ahaa mid uu doonayey dhaxalsugaha Maxamed Bin Salman inuu ku helo dhaqaale badan oo uu ku meelmariyo qorshihiisa iyo mashaariicda 2030 oo uu doonayo inuu isbedal weyn ku sameeyo dhaqaalaha iyo nidaamka ganacsi ee dalkaasi.

Dhinaca kale Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ee Sacuudiga ayaa shalay soo saartay sharuuc cusub oo la xariira shaqooyin si gaar ah loogu qoondeeyey inay ka shaqeeyaan dadka u dhashay wadankaasi oo kaliya.

Dukaanada lagu iibiyo gawaarida, electoric, mobilada, alaabta guryaha la dhigto iyo kuwa lagu qdo qalabka dhismaha ayaa kamid ah goobaha la sheegay inay ka shaqeyn karaan oo kaliya muwaadiniinta dalkaasi u dhashay, tilaabadan oo ay dowalda Sacuudiga dooneyso inay hoos ugu dhigto shaqo la` aanta heysa dadkooda, wuxuuna go`aankan si gaar ah u taaban doonaa ajaanibta dalkaasi ka shaqeysa ee hawlahan horey u hayey.

Wasiirka Shaqada Cali bin Nasser ayaa sheegay in go`aankan uu yahay mid lagu balaarinayo fursadaha shaqada oo ay heystaan ragga iyo haweenka u dhashay dalkaasi, si hoos loogu dhigayo tirada dadka shaqo la`aanta ah oo hada gaareysa 12%.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *