Xisbiga talada haya ee Zanu-PF ee dalka Zimbabwe ayaa la sheegayaa in ay ku guuleysteen codadka…
Xisbiga talada haya ee Zanu-PF ee dalka Zimbabwe ayaa la sheegayaa in ay ku guuleysteen codadka ugu badan doorashada barlamaaniga ee dalkaasi ka qabsoontay isniintii lasoo dhaafay ,sida ay sheegeen gudiga doorashada
Natiijooyinkan oo ah kuwo hordhac ah ayay hadana gudiga doorashadu sheegayaan in 109-kuraasta barlamaanka ay heleen xisbiga uu hogaamiyo madaxweyne Mnangagwa taasoo ka dhigaysa in ay haystaan codadka ugu badan aqlabiyadda barlamaanka dalkaasi.
Xisbiga mucaaradka ah ee MDC ayaa iyana la sheegayaa in ay haystaan 41-kuraasta barlamaanka ah inkastoo weli ay harsan yihiin 58-kursi kuwaasoo weli aan la ogeyn xisbiga helaya codadka doorashada barlamaanka dalka Zimbabwe.
Madaxweyne Emmerson Mnangagwa ayaa ugu baaqay xisbiyada tartamaya in ay u hogaansamaan natiijooyinka ay soo saarayaan gudiga doorashada.
Horseed Media 2018