Xafladii Furitaankii Jaamacada Maakhir – Sawiro / Video

Published: September 20, 2018

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xadhiga ka jaray Jaamacada Maakhir ee Magaalada Badhan ee Xarunta Gobolka Sanaag.

Madaxweynaha Puntland oo shalay gaaray magaalada Badhan ee gobalka Sanaag ayaa waxaa ku wehelinayey munaasabada xadhig jarka jaamacadda Maahkir Guddoomiyaha Golaha wakiilkada Dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud, qaar kamid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, maamulka Jaamacadda Maakhir, Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo marti sharaf kale.

Jaamacada Maakhir oo dhismeheedu ka kooban yahay ilaa 7 qaybood ayaa labilaabay aasaasideeda sanadii 2010, waxaana markii hore lagu bilaabay iskaa-wax-u-qabso ah oo ay hormuud u ahaayeen bulshada ku dhaqan Badhan, dhismaha cusub ayaa la bilaabay sanadkii 2015 masharuucan oo qeyb ka ahaa deeq ay bixisay Dowladda Kuweit.

Dhinaca kale Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Cali Shire oo khudbad taariikhiya ka jeediyey furitaanka munaasbada xadhig jarka ayaa soo dhaweeyey horumarka uu ku tilaabsaday Gobolka Sanaag, waxaa uuna suldaanku xusay in Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu yahay Madaxweynihii ugu horeeyay ee horumar intaas le`eg ka hir galiya Gobolka Sanaag, islamarkaasna waxaa uu suldaanku bulshada ugu baaqay midnimo iyo isku duubnaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kudhbad muhiimad balaadhan lahayd ka jeediyay munaasbada xadhig jarka Jaamacada Maakhir.

Runtii farxad aan lasoo koobi karin iyo rayn rayn ayaa qalbigeena kabuuxa, soo dhaweyntii aan kasoo bilownay, Cawsane, Midigale, Rad, Qumure iyo hada oo aan joogno Badhan, meel walba waxaa noo taagna dad shacab ah iyada oo heerkulku badnaa, waan ka mahadnaqaynaa soo dhaweyntaas, bishii December 2013 baan imid Badhan, shan sano ka hor waxaan ku faraxsanaha wajigii ay markaas lahayd in waji aad uga duwan ay Badhan maanta leedahay, Ayuu yri Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in horumarka Badhan iyo gobolka Sanaag-ba ay soconayaan cid joojin kartaana aysan jirin Isla`markaana ay Dowladda Puntland ay ka hirgalin doonto mashaariic horumarineed oo aad u balaadhan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *