Kosovo waxay Abaal Weyn u heysaa wadanka Soomaaliya

Published: September 27, 2018

Dowlada Kosovo ayaa si weyn ugu mahadnaqday dalka Soomaaliya oo kamid ahaa wadamadii taageeray aqoonsiga Kosovo oo ah dowlada ay sameysteen gobaladii Muslimiinta ku noolaa dalka Serbia.

Wadanka Soomaaliya ayaa kamid ahaa wadamadii ugu horeeyey ee Islaamka oo sanadkii 2010 taageeray aqoonsiga dalka Kosovo, arrintaasi oo uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada Kosovo inaysan marnaba illaawi doonin.

Xiligaasi ayey Kosovo si weyn ugu baahneyd codka taageerada xili ay dhawr wadan oo reer Galbeed ah soo dhaweeyeen in Kosovo loo aqoonsado dal gaar ah, balse waxaa arrintaasi si weyn uga soo horjeeday dalka Serbia oo u aqoonsanaa Kosovo gobal wadankooda kamid ah.

Wasiirka Arrimaha Dibada Behgjet Pacoll oo kulan khaas ah magaalada New York kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in ay Kosovo dooneyso inay dhawaan Safaaradooda ka furtaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *