Magaalada Garowe ee Caasumadda Puntland waxaa goor-dhawayd si rasmi ah uga fumray Kal-fadhiga 45-aad ee Baarlamaanka…
Magaalada Garowe ee Caasumadda Puntland waxaa goor-dhawayd si rasmi ah uga fumray Kal-fadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland.
Xafladda furitaanka kal-fadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland waxaa ka qeyb-galay oo furay Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni, gudoonka Baarlamaanka, xildhibaano, wasiiro, issimo, culumo, siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale.
Madaxda ka qayb-gashay kulanka ayaa khudbado kala duwan ka jeedin doona xaflada futitaanka kal-fadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland oo hadda bilaamatay.
Madaxwayne Deni ayaa la filayaa inuu jeediyo khudbadda dastuuriga ah, isagoona ka hadlaya xaaladda guud ee gayyiga Puntland iyo waxbaqadkii u hirgalay mudadii uu xilka hayay.
Kal-fadhigan waxaa horyaalla dhowr ajande oo ay ka mid yihiin ansaxinta Guddiga doorashooyinka Puntland.