Kulan deg deg ah ayay isugu yimaadeen Baarlamanka Puntland, wuxuuna ajandihiisu ahaa soo jeedin ay keeneen…
Kulan deg deg ah ayay isugu yimaadeen Baarlamanka Puntland, wuxuuna ajandihiisu ahaa soo jeedin ay keeneen xildhibaanada oo ah in xilka laga qaado gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdixakiim dhooba-daarood.
Kulankan waxaa shir gudoominayay Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Puntland Abuukaate Cabdicasiis , waxaana soo xaadiray 53 mudane.
49 mudane ayaa u codeeyay in xilka laga qaado halka 4 mudanena ay ka aamusatay, sidaas ayuuna gudoomiye Dhoobo-dareed ku waayay kalsoonida baarlamaanka.
Mudanayaasha mooshinka keenay waxay ay guddoomiyaha ku eedeeyeen in xarunta barlamanaka uu soo dhoobay ” Maleeshiyaad hubeysan “ iyo inuu jabiyay qodobo kamid ah dastuurka Puntland