Magaalada Muqdisho ee caasumadda dalka Soomaaliya, waxaa xalay uu kulan ku dhexmaray madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya…
Magaalada Muqdisho ee caasumadda dalka Soomaaliya, waxaa xalay uu kulan ku dhexmaray madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Madasha Xisbiyada Qaran.
Isu-imaantinkan ayaa looga wada-hadlay sidii ay kulan wada-xaajood ah u yeelan lahaayeen Madaxdaxwayen Farmaajo iyo hoggaanka sare ee Madasha Xisbiyada Qaranka oo ay kamid yihiin madaxwaynayaal hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud
Xubnaha dhinaca Dowladda Federaalka kulanka ku matalayay waxaa hoggaaminayay taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin halka dhinaca Madasha Xisbiyada Qaran uu hoggaaminayay xoghayaha Xisbiga Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.
Il-wareedyo ay heshay Horseed Media ayaa sheegaya in kulanka uu hor dhac u ahaa kulan weyn oo la filayo in maalinta Arbacada ah [Barri] ku dhaxmari doona Muqdisho madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed si loo soo afjaro khilaafka baahsan oo maalmihii ugu danbeeyay soo kala dhaxgalay labada dhinac.
Shirkan ayaa sidoo kale la sheegay in uu daba socdo Kulan Jimcihii dhexmaray Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin iyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif kaasoo looga hadlay dejinta xiisada siyaasadeed ee labada dhinac iyo sidii looga wada hadli xalinta tabashada madaxdii hore ee ku aadan xanibaad kooban oo lagu sameeyey safari ay tagayeen magaalooyin ka tirsan dalka gudihiisa.
Madasha Xisbiyada Qaran gaar ahaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa si is daba joog ah ugu eedeeynayay dowladda hadda jirta ay iska idha-tireyso sharuucda dalka iyo ku tagrifal awooddeed, waxaana uu khilaafku sii xoogeystay kaddib markii madashu sheegtay in leysku hortaagay dhawaan safar ay ku tagi lahaayeen magaalada Beledweyne.