Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa amar ku bixiyay in laga baxo…
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa amar ku bixiyay in laga baxo dhulkii ay laheyd hey’adda minishibiiyada ay ku laheyd degmada Warta-Nabadda.
Duqa Muqdisho ayaa amar ku bixiyay inta ka dhiman bishan November looga baxo dhulkii Munishiibiyada ay laheyd, waxaana uu tilmaamay inay rajeynayaan in illaa 1-da bishan December looga baxo dhulkaas.
“Meelo dad u dhisan ayaa jirta oo naloo sheegay oo ah Garoonkii Basketball-ka iyo Baarkii Minishiibiyada, waxaa u qabaneynaa dadka degan inay nagu soo wareejiyaan illaa 1-da bisha December ee soo socota, waxaa rajeynayaa mar haddii mulkiyada nala sheeganeyn inay nagu daahin, waa u mahadcelineynaa nagama heysan waa noo hayeen”
ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.