Gollaha wasiiradda Somaliland oo maanta oo uu gudoominayey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu ansixiyey…
Gollaha wasiiradda Somaliland oo maanta oo uu gudoominayey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu ansixiyey xeerar, iyada oo sidoo kale lagu meelmariyey wax-ka-beddel lagu sameeyey qaar kamid ah xeerarkii hore u jirey.
Dood dheer iyo falanqeyn kaddib waxa ay golaha wasiirradu fadhigooda ku ansixiyeen:
1. Qabyo-qoraalka ka hortagga xeerka la dagaallanka ganacsiga iyo tahriibinta dadka iyo
2. Wax ka-beddelka iyo kaabista la dagaallanka xeerka mukhaadaraadka Xeer Lr. 21/2002 oo isagu hore u jirey, waxanay xeerarkani u gudbi doonaan golaha wakiilada Somaliland, iyagoo wax weyn ka tari doona Mushkiladaha iyo dhibaatooyinka ka yimaadda Tahriibinta dadka iyo la dagaallanka Mukhaadaraadka dalka soo gala.
HORSEEDMEDIA