Labo askari oo ka tirsan ciidamadda Booliiska Muqdisho ayaa la horgeeyay Maxkamada ciidamada iyadoo loo heystaa…
Labo askari oo ka tirsan ciidamadda Booliiska Muqdisho ayaa la horgeeyay Maxkamada ciidamada iyadoo loo heystaa in ay si bareer ah ugu fureen rasaas laba gabdhood oo wada saarnaa Bajaaj mareysay bar kontorool oo ay ku qornaayeen 07-da bishii sagaalaad ee Sanadkan.
Labadan askari oo lagu kala magacaabo Xasan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka wada tirsanaa ciidamada Boliiska, waxaana isla xilligii ay geysteen dilka Marxuumada Istar Axmed Cabdulle iyo Dhaawaca Dhibane Faadumo Axmed Cabdulle oo ahaa walaalo marayay agagaarka Isbitaalka Masaarida ee degmada Hodan.
Labada Eedaysane oo ka jawaabayay eedda loo heysto ee ah dilka iyo dhaawaca ay u geysteen gabdho walaalo ah ayaa Maxkamadda u sheegay in ay si wada jir ah xabada u rideen iyagoo oo kaga dan leh in ay ku kala fududeeyaan Jaamka ka jiray Isgoyska Maseerida ee degmada Hodan.
Qoryihii dhaawacca ay ku geysteen, warqadaha dhaawacca iyo dhimasha muujinta iyo markaatiyaal kale ayay Maxkamadda dhageysatay.
Xeer ilaaliya ku xigeenka Ciidamada Qalabka Sida Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa Maxkamadda u sheegay in labada eedeysane ay ku tala galeen dilka wadaha Mootada balse xabad uu riday Xasan Xuseen Maxamed xabad uu riday ay sababtay geerida Marxuumad Istar Axmed Cabdulle, halka Xasan Muuse Warsame uu dhaawac u geysatay Faadumo Axmed Cabdulle.
Qareenka labada eedeysane ayaa Maxkamadda u sheegay in ay ku wada jireen labada eedeysan howl shaqo oo lagu ogyahay, waxa uuna Maxkamadda weydiistay in magta dhibanayaasha lagu xukumo taliska Boliiska.
Dable Boliis Xasan Xuseen Maxamed ayay Maxkamaddu ku xukuntay diltoogasho oo ah qisaasta Marxuumad Istar Axmed Cabdulle halka Dable Boliis Xasan Muuse Warsame ay Maxkamaddu ku xukuntay Shan Sano oo xabsi ciidan ah iyo in uu bixiyo magta dhaawicii uu u geystay Faadumo Axmed Cabdulle sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.
Xukunka waxaa ka furan Rafcaan ku siman Sodon Cisha xukunka kadib.
HORSEEDMEDIA