Dhalinyarada gobolka Banaadir oo yeeshay xarun

Published: December 21, 2019

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa xiriga ka jaray dhismaha xarunta dhallinyarada gobolka Banadir, oo si casri ah loo dhisay.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta dhallinyarada gobolka Banaadir ee dagmada Shangaanni ataa waxaa ka qeyb galay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, madaxda maamulka gobolka Banaadir, dhallinyaro iyo qeybaha kale ee bulshada.

Guddoomiyaha dhallinyarada gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan ayaa sheegay in xaruntan loogu talagay inay dhallinyarada ay ku soo bandhigaan afkaartooda, isla markaana ay ka hirgeliyeen qayb dhallinyarada lagu baro tegnoloojiyadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo xariga ka jaray xarunta ayaa in maamulka gobolka Banaadir uu ahmiyad gaar ah siinayo sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhallinta.

“Meesha loo socda waa meel aan rabno inaan tusaale uga dhigno dhalinta Geeska Afrika, halkan dhallinyarada afka hooyo ku hadasho ayaa iska leh meelkasta oo ay dunida ka joogaan”

ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *