Wafti Ka Socda Dowladda federaalka oo safar Dhulka ah ku tagay Beledxaawo

Published: December 25, 2019

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, Feysal Cumar Guuleed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar Dhulka ah ku tagay Maanta Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.

Wafdigan oo ay  ka mid ahaayeen Wasiir ku xugeenka Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Pof; Cabdullaahi Sheekh Cali Qalloocoow iyo xubno kale oo ka tirsan Labada Wasaaradood ayaa waxaa soo dhoweeyay maamulka Degmada Balad Xaawo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirrada iyo xubnaha kale eek u wehliya socdaalkooda ayaa la filayaa in ay u kuur galaan xaaladda guud ee wax barshada magaalada Balad Xaawo iyo guud ahaan Gobolka Gedo.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *