Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar ayaa sheegay in miinooyinka ay qarxiyeen ciidamada sida gaarka…
Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar ayaa sheegay in miinooyinka ay qarxiyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayna ku aasnaayeen dhulka, waxayna Al-Shabaab doonayeen in falal amni daro ka geystaan magaalada Muqdisho.
Xaafadda Baar-Ubax oo ah halka ay ciidamadu ku qarxiyeen miinooyinka ayaa ciidamadu ka fuliyeen howlgal lagu bartilmaameedsanayay rag la tuhunsayahay oo ka tirsan Al Shabaab.
“ Ciidamada Amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa had iyo jeer u taagan ka hortagga dhagarta ay cadawga umadda Soomaaliyeed maalin kasta u soo maleegaan kooxda Xagjirka Al Shabaab oo baneystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah”.
ayuu yiri Afhayeenku.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ayaa xalay howlgal qorsheysan ka sameeyay xaafado ka tirsan dagmooyinka Warta Nabadda iyo Howl wadaag ee Gobalka Banaadir, waxaa ayna ciidamada qarxiyeen laba Miino oo kuwa dhulka la galiya ah.