Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda federaalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Federaalku ay ay soo dhowaynayso shirka uu ku baaqay madaxweyne Deni isla-markaana ay rajaynayaan in wax wanaagsan ka soo baxo Shirkaasi.
Wasiir Maareeye oo la hadlayey Barnaamij gaar ah oo xalay ka baxay Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa tilmaamey in ay rajeynayaan in shirkaas uu kasoo baxo wax wanaagsan oo maxsuulka uu noqdo talo Soomaaliyeed oo fiican taasi oo kala aragti duwanaanta haatan jirta fududeyn doonta.
Jimcihii lasoo dhaafay ayuu madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ku dhawaaqay shir-wada tashi ah kaas oo oo looga tashan-doono khilaafka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland u dhaxeeya.
Horseed Media 2020