Baarlamaanka Jubaland ayaa maanta waxaa si rasmi ah ugu furmi doona kal-fadhiga 2aad ee golahaan cusub,…
Baarlamaanka Jubaland ayaa maanta waxaa si rasmi ah ugu furmi doona kal-fadhiga 2aad ee golahaan cusub, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu waddaa in uu ka qayb-galo halkaasna ka jeediyo khudbad ku aadan xaalada Maamulka Jubaland.
Ciidamada Amaanka Jubaland ayaa si wayn u sugaya xarunta uu baarlamaanku ku shirayo, Xubnaha baarlamaanka ayaana lagu wargeliyay in ay fadhigga soo xadiraan.
Madaxweynaha ayaa khudbadda furitaanka Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka kaga hadli doona Xaaladda siyaasadeed ee dowlad goboleedka Jubbaland, xiisadda ka taagan Gobolka Gedo, Xiriirka ka dhaxeeya Jubaland iyo DFS iyo Doorashada Soomaaliya ee loo diyaar-garoobayo.
Baarlamaanka Jubbaland ayaa fasax dhawaan galay, kadib markii kalfadhigii 1-aad ay ku doorteen Axmed Maxamed Islaam oo Natiijada Doorashadaas iyo dhismahoodaba waxba kama jiraan ku tilmaamtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.