Tedros: Baara Baara, Qof kasta Ka Baara Corona

Published: March 17, 2020

Madaxa hay’ada caafimaad Adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in tirada dadka u dhintay cudurka Coronavirus uu gaaray 7,000 kun oo qof oo caalamka guud ahaan.

Tedros wuxuu sheegay in cudurka Coronavirus uu gaaray 161 dal oo caalamka ah, islamarkaana uu ku dhacay dad ka badan Boqol iyo labo iyo Sideedtan kun oo qof (182,260 ).

wuxuu sheegay in Cudurka Coronavirus uu dowladihii waaweynaa adduunka ku khasbay inay albaabada isugu laabaan hay’adihii dowladda, Dugsiyadii waxbarashada, Gaadiidka dadweynaha, kulamadii waaweynaa ee Ciyaaraha iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo bulsho.

“Baara, baara, qofkasta oo looga shakiyo coronavirus ha la baaro” ayuu yiri Tedros

Dalka Talyaaniga ayaa xudun u noqday faafitaanka iyo dhimashada cudurka, dad ka badan 2000 kun oo qof ayaa hadda u geeriyooday Coronaviurs.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *