DFS oo Sheegtay Inay Ka Hortegeen Gaari xamuul ah oo walxaha Qarxa laga soo buuxiyay

Published: March 20, 2020

Howlgal ciidanka gaarka ah ee xoogga dalka ay ku fuliyeen duleedka deegaanka Janaalle ee gooblka Shabeelaha hoose ayay ku gubeen gaari walxaha qarxa ay ka soo buuxiyeen kooxda Alshabaab,

Gaariga xamuulkaa ayaa ciidamadu sheegeen in Alshabaab  ku doonayeen in ay ku soo weeraraan gudaha magaalada Jannaale

Ciidanka waxay kaloo sheegeen inay heleen xogta gaarigaan Alshabaab doonayeen in ay ku soo weeraraan magaalada waxaana ay sameeyay howlgalkaan oo ay u fuliyeen si taxadar leh waxaana ay qarxiyeen gaarigaan xamuulkan ah oo noociisu ahaa Dheyno.

Howlgalkale oo ay ciidanka gaarka ah ka fuliyeen Beeraha Jannaale waxa ay ku toogteen    8 ka tirsan maleeshiyada kooxda Nabad diidka ah ee Alshabaab waxaana ay gacanta ku dhigeen hubkii ay wateen.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *