Gabadh uu Dhalay Madaxweynaha Nigeria oo iskarantiishay

Published: March 20, 2020

Marwada kowaad ee dalkaasi Nigeria Caasha Buhari ayaa sheegtay in mid ka mid ah gabdhaheeda oo ka soo laabatay Wadanka UK ay go’aansatay inay iskaratiisho  muddo 14 Maalmood ah.

Gabadhan oo aan magaceeda la sheegin ayaan muujin wax calaamad oo sheegaysa inay qabto cudurka Coronavirur hase yeeshee si looga hortego faafitaanka cudurka ay gabadhu go’aan ku qaadatay inay qolkeeda isku karantiisho.

Caasho Buhari waxay ku boorisay waalidiinta kale ee caruurtoodu ka soo laabanayso dalka dibadiisa ee looga shakiyo inay sidaan cudurka coronavirus ay sameeyaan Sida ay sameeyeen qoyska madaxweynaha Nigeria.

Dowladda Nigeria ayaa shaacisay in maalintii Arbacadii ee toddobaadkan uu cudurka u dhintay qofkii u horreeyay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *