Deni: Dowlada Federaalku Waxay Fashilinaysa Gogosha Garoowe la dhigay.

Published: March 22, 2020

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay dowlada Federaalka inay fashilinayso dadaalalada ay Puntland iyo gogosha wadahadalada ee ay Puntland Wado.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay ujeedo gaar ah laga leeyahay Hadal ka soo yeeray guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Heer federaal Xaliilo Yaray

‘”Guddiga Doorashada DFS hadalka ay hadda soo jeediyeen ma aha mid sharci waa-hore la ansixiyey lagu taageerayo, ee waxaan u arkaa mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay, waana talaabo labaad oo jid-gooyo ah, marka laga soo tago warsaxaafadeedkii ay Wasiiradu qabteen” ayuu yiri madaxweyne Deni

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Xaliimo yareey oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa soo dhawaysay sharciga doorashooyinka iyo guddiyada loo xilsaaray dhaqangelinta sharciga oo ay ansixiyeen labada aqal ee barlamaanka, madaxweynaha federaalkuna uu ansixiyay.

Maamulka Puntland iyo Jubbaland ayaa si adag uga soo horjeestay sharciga doorashada Federaalka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Anigu waxan kutalin laha in madaxweyne Saciid Danni,kajogsado safarka muqdisho oo uu ku mintido mamulkisa puntland,