Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inuu soo gaaray shaybaarkii lagu baaro cudurka Coronavirus oo ay…
Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inuu soo gaaray shaybaarkii lagu baaro cudurka Coronavirus oo ay hore u dalbadeen.
Wasiirka Caafimaadka dowladda federaalka Dr. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa maanta shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareysay in hadda wixii ka dambeeya xarunta Sheybaarka Qaranka ee Muqdisho lagu baaridoono Cudurka Corona-virus.
Dowladda Federaalka ayaa markii hore u diri jirtay muunadaha cudurka ee dadka laga qaado shaybaarada lagu baaro cudurka coronavirus ee Magaaladda Nairobi ee Kenya.
Dowladda federaalka waxa ay walaac ka muujiyey Xaaladda cudurka COVD-19 ee Soomaaliya, iyo cabsida ay ka qabaan inuu ku dhex faafo bulshada. cudurka ayaa laga helay 7 qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka federaalka.
HORSEEDMEDIA