Kiisas Cudurka Corona oo Laga Helay Mandheera

Published: April 7, 2020

Wasaaradda caafimaadka Kenya iyo Guddoomiyaha Mandheere Cali Raabi ayaa xaqiijiyay in labo qof laga helay cudurka Coronavirus degaanka Mandhere ee gobolka Waqooyi bari kenya

Labadan qof midkood haweenay yahay ayuu guddoomiyuhu sheegay inay ka yimaadeen qaarada Yurub, kadib ay soo mareen magaaladda Mombasa ee kenaya

Waxaa la xaqiijiyay labo qof oo uu ku dhacay cudurka Coronavirus kuwaas oo ku nool magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari ee Kenya, sida uu xaqiijiyay wasiirka caafimaadka ee Kenya.

” labadan qof ma aysan dhamaysan 14 maalmood ee Karantiilka ka hor inta ayan imaan Mandheere” Sidaas waxaa yiri Guddoomiye Cali

dadka uu Cudurka Coronavirus ku dhacay guud ahaan wadanka Kenya ayaa gaaraya 172 qof, waxaana u geeriyooday ilaa lix qof.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *