Wasiirkii Deegaanka ee Puntland oo Muqdisho ku geeriyooday

Published: May 25, 2020
Ismaaciil Diirriye Gama’diid

Rabbi ha u naxariistee waxaa goordhaw Horseed Media loo xaqiijiyey geerida Wasiirkii Deegaan, Beeraha iyo isbeddelka cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid. Wasiirka ayaa ku xanuunsadey magaalada Garoowe, kadib markii uu ku dhacay Fayraska Korona. Maalmo ka hor ayaa diyaarad gaar ah ka soo qaadey Garoowe, waxaana la geeyey Isbitaal ku yaala Muqdisho, kadib markii COVID-19 oo waxyeelo gaarsiiyey habdhiska neefsiga.

Ismaaciil Gamadiid ayaa kamid ahaa Wasiirada ugu khibaradda baddan golaha wasiirada ee magacaabey Madaxweyne Deni horraantii 2019, Waxa uu ku dhashey magaalada Buuhoodle, Dugsiga sare waxa uu uga baxay magaalada Gaalkacyo Cumar Samatar, kadib waxa uu u wareegay magaalada Muqdisho. Waxa uu ka soo shaqeeyey Wasaaradii Waxbarashada ee Soomaaliya sanadihii todobaadanaadkii isaga oo magaalooyin kala duwan ka noqdey macalin, kadib waxa uu ku wareegay Wasaaraddii Daaqa Qaranka halkaas oo uu muddo ka soo shaqeeyey.

Ismaaciil Gamadiid ayaa burburkii kadib ku noolaa dalka New Zeland, kadib waxa uu uga guurey Ustraaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *