Madaxii Alshabaab u Qaabilsanaa Qaraxyada oo Galkacayo Lagu dilay

Published: June 6, 2020

Howlgal si wadari ah ay uga fuliyeen magaaladda Galkacayo Ciidamada Danab iyo PSF ayaa lagu dilay madaxii ururka alshabaab u qaabilsanaa qaraxyada gobolka Mudug.

Ninkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa masuul ka ahaa qaraxyo lagu dilay Masuuliiyin ka tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug ee magaaladda Galkacayo

“Hawlgal qorshaysan oo ay maanta (June 06,2020) si wada jir ah uga fuliyeen maanta magaalada #Gaalkacyo ciidamada Amniga Puntland iyo ciidanka Danab qaybtooda 21st ee magaalada Gaalkacyo oo ka wada shaqaynaya sidii loo sugi lahaa amniga magaalada Gaalkacyo ayaa waxay ku guulaysteen in ay dilaan madaxii Al Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada gobolka Mudug oo ay dabagal ku hayeen ciidamadu “

Ciidamada PSF waxay sheegeen in ninkaasi uu qorshaynayay qaraxyo kale oo la doonayay in lagu bartilmaameedsado masuuliyiin sarsare.

Bishii hore, waxaa qarax ismiidaamin ah lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland. masuuliyada qaraxaasi waxaa sheegtay ururka Alshabaab.

https://www.facebook.com/PuntlandStateTV/videos/652166855628337/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *