Madaxweyne Deni oo Kulan La Qaatay Odoyaasha

Published: June 22, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan degmada Qardho ayaa galabta kulan la qaatay Nabadoonada iyo waxgaradka degmada

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka. Waxaana looga wada hadlay Amniga, horumarinta degmada iyo in biyo xidheen loo sameeyo magaalada si looga gashaanto daadadka kusoo fataha magaalada ee ugaystey khasaaraha naf iyo duunyoba.

Madaxweyne siciid Cabdullaahi ayaa shalay wuxuu tababar u soo xiray ciidamo cusub oo ka mid noqday ciidamada daraawiishta Putland, kuwasoo loogu magac daray guutooyinka Beder iyo Uxud.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *