Puntland oo sheegtay inay korortay dadka uu ku dhacayo safmarka Covid19.

Published: June 23, 2020

Wasiirka caafimaadka Dawlada Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo maanta warsaxaafadeed xafiiskiisa ugu qabtay Puntland Tv iyo xafiiska warbaahinta wasaaradda ayaa ka hadlay xalaadiihii ugu danbeeyay ee Safmarka Covid19.

Wasiirka ayaa ugu horayn sheegay in xanuunka uu dib usoo laba kacleeyay laga soo bilaabo ciidii kadib markii uu batay isku imaatinka bulshada, waxa uu sidoo kale sheegay in shaybaarada Puntland ay baareen dad ka badan 900 qof kuwaasi oo 306 qof laga helay, sidoo kale waasiirka ayaa hadalkiisa ku daray in 15 qof oo degaanka Galmudug ah lagu baaray shaybaarka maalmaha soo socdana ilaa 22 qof la baari doono kuwaasi oo Galmudug laga keenay.

Wasiirka ayaa sheegay inuu shacabka la wadaagayo inay jiraan labo shaybaar oo kala yaala magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ay si wangsan ushaqaynayaan, aana nahay maamulka kaliya ee labo shaybaar haysta soomaliya,waxaana uu hadalkiisa raaciyay in todobaadyada soo socda magaalada Galkacyo la gayn doono shaybaarkii saddexaad ee lagu baarayo xanuunka Covid19, si looga baaqsado dheecaanada laga keenayo gobolka Mudug ee lagu baarayo shaybaarada kale.

Wasiirka ayaa waxa uu amaanay goaanadii ka soo baxay shirkii guddiga sarre ee Covid19 ay yeesheen khamiistii 11 bishan June ee uu shir gudoomiyay madaxweynaha Puntland Siciid Abdulaahi Dani kaas oo goaano wax ku ool ah laga soo saaray, waxaana uu bogaadiyay in la joojiyay shirarkii ururada siyaasada sidoo kale kulamada dawliga ah ee muhiimka loo arko la isku raacay in loo sameeyo habraac loo maro oo la dajiyay.

Ugu danbeyn wasiirka ayaa shacabka usoo jeediyay inay kordhiyaan feejignaantooda isticmalaana qalabka looga hortago xanuunka inuu kugu dhaco, dadka iska shakiya ama isku arka calaamadaha xanuunkana ay la soo xiriiraan xarunta telphonka 343 si looga baaro.

Dhinaca kale, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 36 qof oo cusub,  taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 818.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 33 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Puntland 21, Somaliland 7, iyo Gobolka Benaadir 5 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2, 812..

Bukaannada cusub 30 ka mid ah waa rag 3-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirn bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 90 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *