Madaxweyne Farmaajo Iyo Danjiraha Shiinaha Ee Soomaaliya Oo Kulmay

Published: July 4, 2020
Madaxweyne Farmaajo Iyo Danjire Qin Jian

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay safiirka shiinaha Mr. Qin Jian in Soomaaliya ay ixtiraamayso midnimada dalka aan saaxiibka nahay ee Shiinaha.

Safiirka Shiinaha ayaa madaxweynaha la wadaagay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Taiwan ee ay kula kacday Qaranimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya, gaar ahaan xirriirka ay la galeen Soomaaliland.

Taiwan iyo Soomaaliland ayaa yeeshay heshiis dibloomaasiyadeed, labadan maamul ayaana ku dhawaaqay inay ka go’een dalalka ay ka kala tirsan yihiin ee Shiinaha iyo Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *