Nigeria: Boko Xaram oo dishay 5 shaqaale ururo gargaarka

Published: July 23, 2020

Kooxda ka  tirsan Daacish ayaa shaacisay filim muujinaya dilka shan nin oo ay afduubteen bishii June.

Shantan nin ayaa la sheegay inay u dhasheen dalkaasi Nigeria isla markaana u shaqeenayeen ururada gargaarka ee ka hawlgala gobalada Waqooyi-bari ee wadankaasi.

Ururada Action Against Hunger iyo International Rescue Committee ayaa xaqiijiyey in raggaasi la dilay ay ku jiraan qaar kamid ah shaqaalahood oo laga afduubay gobalka Borno State, 8dii bishii June.

Madaxweynaha dalka Nigeria Mahamadu Buhari ayaa ka tacsiyeeyay dilkan waxashnimada ah, isagoona sheegay in ciidamada dalkaasi ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha xagjirka ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *