Wareegto ka soo baxdey Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu magacaabey raysalwasaare kumneel-gaar ah, wareegtada…
Wareegto ka soo baxdey Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu magacaabey raysalwasaare kumneel-gaar ah, wareegtada Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u igmaday Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaar ah.
Wareegtada ayaa lagu sheegey in Mahdi uu yahay saacaddan laga bilaabo raysalwasaare kumeel-gaar ah.
Laga bilaabo faafintan, sida uu qabo Dastuurka Kumeel-gaarka ah waxa uu Kusime Ra’iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) awood u yeelanayaa hagidda hawlaha xukuumadda inta laga soo buuxinayo xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Villa Somalia
Arrintan oo ah mid aan horey u dhici jirin ayaa la is weydiinayaa waxa looga hortagaya sida degdega ah, iyada oo goordhaweyd Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre ka degey magaalada Muqdisho.
Horseed media