Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa hambalyo u diray golaha cusub ee deegaanka degmada…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa hambalyo u diray golaha cusub ee deegaanka degmada Afmadow oo doorashadooda maalmahan ay socotay oo maanta doortay gudoomiye degmo iyo ku-xigeenkiisa.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka wasaarada arimaha gudaha, odayaasha dhaqanka iyo guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ee howshan gacanta ku hayay kuwaas oo doorasho xor iyo xalaal ah u qabtay muwaadiniinta tartamayay.
” Dhamaan degmooyinka kale ee Jubaland ayaa inaga sugaya in loo sameeyo gole deegaan si ay xafiisyada u yimaadan hogaamin ay shacabku doorteen kuwaas oo wax ka qabta baahiyaha ay qabaan “
Axmed Madobe
Ugu danbayntii Waxaa Madaxweynahu uu ilaahay uga baryay Masuuliyiinta Cusub in uu shaqada ay Shacabka u qabanayaan uu la garab galo.
Horseed Media