Madaxweynaha Poland oo laga helay cudurka Covid19

Published: October 24, 2020

Madaxweynaha wadanka Poland Andrzej Duda ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu danbeeyey ee uu haleelo cudurka Covid19, xili cudurkan uu asbuucyadii lasoo dhaafay kusoo labo-kacleeyey dalalka Midowga Yurub.

Madaxweyne Duda ayaa la sheegay in baaritaan lagu sameeyey jamcihii shalay laga helay cudurka Covid19, waxaa sidaa lagu shaaciyey warbaahinta dowlada maanta oo Sabti ah.

Cudurkan ayaa horey ugu dhacay qaar kamid ah Madaxda Caalamka oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Maraykanka, Raysalwasaaraha UK iyo  Madaxweynaha Brazil.

Duda oo ah 48 sano jir ayaa hada ku jira karantiil, balse xaaladiisa caafimaad ayaa la sheegay inay degan tahay.

Dalka Poland ayaa kamid ah wadamada Yurub ee cudurka Covid19 maalmihii lasoo dhaafay si xawli ah ugu sii faafayey, shalay oo Jimce ahayd oo kaliya ayaa la sheegay in dalkaasi tirada dadka cudurkan laga helay ay gaareysay in ka badan 13.600-qof.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *