Maxkamadda ICJ Oo Hoggaan Cusub Loo Doortay

9 February, 2021

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ ayaa loo doortay gudoomiye iyo gudoomiya ku xigeen cusub.…

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ ayaa loo doortay gudoomiye iyo gudoomiya ku xigeen cusub.

Gudoomiyaha maxkamada ayaa waxaa loo doortay garosoore Joan E. Donoghue oo u dhalatay dalka Mareykanka, halka ku xigeenkeeda loo doortay garsoore Kirill Gevorgian oo u dhashay dalka Ruushka.

Garsoore Joan E. Donoghue ayaa xubin ka ahayd maxkamadda ICJ tan iyo bishii September 2010-kii, halka garsoore Kirill Gevorgian uu maxkamadda ku soo biiray sanaddii 2005.

Garsooraha caanka ah ee Soomaaliyeed, Cabdulqawi Axmed Yuusuf, ayaa horey u ahaa madaxwaynaha maxkamada ICJ , balse hadda markii uu mudda xileedkiisa dhameystay ayaa la badalay, tan sanaddii 2018.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *