Midowga Musharaxiinta Oo Banaanbax Ku Dhawaaqay – VIDEO

Published: February 14, 2021

Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya 2021 oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guurka iyo muranka ka taagan doorashada dalka.

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa warbaahinta u sheegay inuu Farmaajo muddo lix cisho ah uu xukunka ugu fadhiyo si sharci darro isla markaana uu ilaalinayn dastuurka dalka.

“Farmaajo wuu ilaalin waayay dastuurta dalka, isagoo hore dadka ugu sheegay in dalka laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah, hase yeeshee uu ku fashilmay arrintaas.”

Shiikh Shariif

Shiikh Shariif ayaa ku dhawaaqay in maalinta jimcaha Muqdisho lagu qabanayo banaanbax nabadeed, kuwaas oo lagu dalbanayo in la qabto doorasho heshiis lagu yahay.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *