Cumar Cabdirashiid Oo Ka Digay Heshiis Dhexmara Itoobiya, Soomaaliya Iyo Ereteriya

Published: March 30, 2021

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaaeke ayaa ka digay iskuday ay dowladdaha Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya ku doonayaan inay ku kala saxiixdaan heshiis amni iyo difaac.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku qoray Cumar Cabdirashiid ayuu ku sheegay in heshiiskani khatar ku noqon karo dalka maadaama dowlada Farmaajo uu ka muddo xileedkii ka dhamaaday.

Hadalka Raysal wasaaraha ayaa kusoo beegmaya xili ay soo baxayaan warar sheegaya inuu jiro kulan caasimada Itoobiya ee Adis-ababa ku dhexmari doona madaxweyne Isaias Afwerki, Raysal wasaare Abiy Axmed iyo madaxweynaha mudadiisu dhamaatay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Waarun Cumar Andi Rashid, waan kugu raacsanahay, Calaqaad Ethiopia iyo Artera lala yeesho was khatar Ku soo wajahan dadka iyo dhulka Somalia.
    Waxaa look baahan yahay inaan marna la taageerin ee la diido Calaqaad Ethiopia iyo
    Aarateya lala yeesho .
    Ethiopia iyo Aartereya ujeedaxoodu waa in ay boobaan oo qabsadaan dhulka Somalia bad iyo Biri dadka Somalidaana Xasuuqaan.
    Ethiopia iyo Aartereya waa Cadow.
    Waxaa u baahanahay Farmaajo in uu San Calaqaad la galin Ethiopia iyo Aartereya midna.
    Waxaan shacabka Somalia Ka codsan inay si buuxda oo dadnimo Ku jirto uu u istaago oo Ka hortago khatarta Cadawga Ethiopia iyo Areteraya. H.Sh

  2. Waxaan u sheegin in Madax jacayl uu khalax hortiis yahay.
    Dadka doorasha Ku muransan waa dad dantooda fiirin, tii umadda Somaliyana Ka indho saaban.
    Dastuurka, qawaaniinta, cadaalada, hufnaanta madaxnimo, ilaalinta waxii qarankii Somalia Ka haray, waajibaadka saaran cidkasta oo mas uuliyad qaada , ma o Gola muran iyo is jiidjiid .Cidii Ku jirtow Ka bax, meelna kuma gaarayside.
    Qof walbow dib ugu laano maalintii aad xilka qaadatsay waxa uu xilkaagu ahaa oo Ku dhaqan.
    Somalia toos oo utoos Ka hortaga khataraha kusoo wajahan dadka iyo dalka Somalia.
    Toos oo diid khatarta Ethiopia iyo Arterya waa Cadaw waa khatar kusoo wajahan dadkaaga iyo dalkaaga, is jiidjiid iyo Madaxtooyo jacayl waa khatar kusoo wajahan oo colaad Ka dhex abuurin shacabka Somalia, toos oo diid.
    Mas uuliyad dad iyo Dal qofkii Ku haboon shacabka ayaa keensada oo si nabad galyaa , aqoon, hufnaan , Karti, xoriyad, sinaan, wada jir, fiiro dheer ee dad iyo Dal ayaa Madax keenta.
    Somalia ogow oo Ka shaqee in Cadawga Ethiopia iyo Mooryaanta Arterya iyo isku dayin in ay soon haajiraan dhulka Somalia aan loo ogolaan.H.Sh