Madaxweyne Laftagareen Oo Dib Ugu Laabtay Baydhabo

13 September, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo,…

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, kadib waan-waan uu qayb ka ahaa oo maalmihii u dambeeyay ka socotay magaalada Muqdisho, taas oo lagu xalinayey khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo raysalwasaaraha Soomaaliya.

Madaxweyne Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa Mudisho ka dagay Khamiistii, xilligaas oo khilaafka labada masuul aad u kacsanaa, balse dadaalada dib u heshiista ayaa u muuqda natiijo la’aan.

Waan-waanta oo maalmihii u dambeeyay socotay ayaa waxa hormuud ka ahaa madaxda mamaul goballeedyada Koofur galbeed iyo Galmudug kuwaas oo ku dadaalayay in xal laga gaaro khilaafkaan iyo xiisadda ka dhalatay hase yeeshee waxay u muuqataa in aaney wali ka gaarin natiijo la taaban karo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *