22 January, 2022
Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Mudane Maxamed Cawil Warsame ayaa saakay safar shaqo…
Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Mudane Maxamed Cawil Warsame ayaa saakay safar shaqo u aaday magaalada Garoowe ee caasimada Dowlad goboleedka Puntland.
Xubnaha Guddiga oo ka kooban 4 xubnood ayaa goobjoog waxay ka noqon doonaan doorashada Golaha Shacabka Baarlamanaaka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee ka dhici doonta Puntland.
Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa mar walba diyaar u ah ka garnaqidda khilaafaadka doorashada dadban ee golaha shacabka.